Sida ay warbixin ku soo saareen aqoonyahanno ka tirsan machad ku yaal waddanka Japan, waxa jira sifooyin cayiman oo saamayn ku leh shaqsiyadda iyo dabeecadda qofka iyadoo laga dheehan karo dabciga abuurka rabbaaniga ah oo aan mid la beddeli karo ama layska yeel-yeeli karo ahayn.
Cilmi-baadhista ay sameeyeen khubarada u dhashay dalka Japan, waxa ay natiijada baadhitaankooda gun-dhig uga dhigeen Afarta ugu muhiimsan noocyada dhiigga Bani’aadamka oo kala ah A, B, O iyo AB, kuwaas oo mid waliba u qaybsamo laba nooc oo lagu asteeyo caleemaha Positive iyo Negative oo sida xaqiiqdu tahay keenaysa kala duwanaansho xagga dabciga ah marka loo abtiriyo nooca dhiigga.
No comments:
Post a Comment